Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aways: Is-qarxintu way sii socon doontaa


Aways: Is-qarxintu way sii socon doontaa
Aways: Is-qarxintu way sii socon doontaa

Sheekh Xasan Daahir Aways, Hoggaamiyaha kooxda Xisbul-Islam ayaa sheegay in qaraxyadii Hotel Muna ay qeyb ka yihiin dagaalka ay DKGM kula jiraan.

Sheekh Xasan Daahir Aways, Hoggaamiyaha ururka Xisbul-Islaam ayaa sheegay in weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay hotel Muna uu yahay mid qeyb ka ah dagaallada ay kula jiraan DKMG iyo AMISOM.

Xasan Daahir, mar uu ka hadlayay dhimashada ka dhalatay qaraxyadan wuxuu yiri " Dhimashadaasi waxba kama duwan dadka rayidka ah ee ku dhimanaya madaafiicda ka soo dhacaysa dhinaca DKMG iyo AMISOM"

Hoggaamiyaha Xisbul-Islaam, wuxuu xusay in kooxaha mucaaradku ay sii wadayaan dagaallada iyo weerarada ka dhanka ah DKMG, ilaa inta ay ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Somalia.

Xasan Daahir, wuxuu sidoo kale ka horyimid baaqyada ka imanaya culumada Soomaalida qaarkood oo sheegaya in dagaallada la joojiyo bisha Ramadan, wuxuuna Sheekh Xasan Daahir ku adkaystay in sida uu hadalka u dhigay ay diinta Islaamku u banaynayso inay dagaallada sii wadaan xitaa bisha Ramadan.

Wareysiga Xasan Daahir Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG