Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Assad Iyo Putin Oo Ku Kulmay Moscow


Waxa ay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Assad uu kaga baxo Syria tan iyo sanaddii 2011, markaasi oo ay billowdeen dibad-baxyada dagaalka sokeeye isku rogay ee looga soo horjeedo.

Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad ayaa kusoo laabtay dalkiisa, kadib booqasho naadir ah oo uu ku tagay dalka Ruushka, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweyne Vladimir Putin.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay ololaha milatari ee Ruushka uu ku taageerayo ciidamada Assad oo billowday saddex toddobaad ka hor.

Assad kama bixin dalkiisa tan iyo sanaddii 2011, oo ahay sanaddii ciidamadiisa ammaanka ay billaabeen inay xoog ku muquuniyaan dibad-baxayaal kasoo horjeeda, taasi oo isku rogtay dagaalka sokeeye ee Syria oo dilay 240,000 oo qof.

Intii uu socday kullankii Assad uu Putin kula qaatay Moscow, waxa uu madaxweynaha Ruushka uga mahad-celiyey taageeradiisa, waxaana uu sheegay in la’eenteed “Argagixisadu” ay meelo badan kusii baahi lahayd.

Dowladda Syria ayaa kooxaha mucaaradka dalkeeda ugu yeertay argagixiso, waxaana Mareykanka uu Ruushka ku eedeyey inay beegsadaan kooxo aan argagixiso ahayn oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka uu taageero.

XS
SM
MD
LG