Isku xirrada

War Deg-Deg ah

9 boliis ah iyo 7 Rayid ah oo Muqdisho ku dhintay


9 boliis ah iyo 7 Rayid ah oo Muqdisho ku dhintay
9 boliis ah iyo 7 Rayid ah oo Muqdisho ku dhintay

9 ka tirsan ciidanka boliiska dowladda KMG ayaa qarax miino ku dhintay, halka 7 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeyn ka dhacday Muqdisho.

9-ka ka tirsan ciidamada Boliiska ee DKMG ayaa waxaa saaka aroortii weerar qarax miino lagula beegsaday inta u dhaxaysa Afisyoone iyo dugsiga boliiska ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

6 ka tirsan 9-ka sarkaal ee qaraxan ku dhintay ayaa la sheegay inay isla goobta qaraxa ku dhinteen, halka 3 kalena ay goor danbe ku dhinteen cusbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Dagaallo xooggan iyo duqeyn culus oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay tiro gaadhaysa ilaa 7 qof oo rayid ah, halka 20-meeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaar ka tirsan madaafiicda ay kooxaha dagaalku isweydaarsanayaan ayaa la sheegay inay ku dhaceen qeybo ka tirsan Suuqa Bakaaraha, halkaasoo la sheegayo in dhimashada ugu badan ay ka dhacday.

XS
SM
MD
LG