Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Sarkaal oo la dallacsiiyay


7 Sarkaal oo la dallacsiiyay
7 Sarkaal oo la dallacsiiyay

Saraakii uu tababar ugu soo dhamaaday dalka Uganda ayaa maanta darajooyin la siiyay laguna hor-dhaariyay madaxweyne Shariif

Waxaa maanta lagu hor-dhaariyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed saraakiil military oo dhawaan dalka Uganda tababar ku soo qaatey.

Saraakiishan oo ka koobneyd ilaa 7-sarkaal ayaa waxaa madaxweyne Shariif hortiisa lagu siiyay darajooyin ama garaado. Hadal uu munaasabadaasi ka jeediyay Sheekh Shariif, wuxuu dalka Uganda uga mahadceliyay tababarka ay u fidiyeen saraakiisha Soomaaliyeed, sidoo kale madaxweyne Sharif wuxuu la hadlay saraakiishaasi la dhaariyay

“Waxaan idin kula dar daarmayaa inaad u istaagaan wax ka qabashada Xaaladda adag ee uu dalku ku jiro” ayuu yiri madaxweynuhu. Sh. Shariif Sheekh Axmed wuxuu saraakiishaasi ku booriyay inay ku shaqeeyay xaalad kasta oo ay la kulmaan.

Dhinaca kale sarkal ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa munaasabadaas hadal ka jeediyay isgoo sharaxaad ka bixiyay tababarkii la soo siiyay saraakiishan, wuxuuna sheegay in Dowladda Uganda ay diyaar u tahay taageero inay siiso Dowladda Soomaaliya, iyadoo munaasabadaas ay goobjoog ka haayeen Xubno ka tirsan labada Golle ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG