Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 Wasaaradood oo ka tirsan DKMG oo la eedeeyay


10 Wasaaradood oo ka tirsan DKMG oo la eedeeyay
10 Wasaaradood oo ka tirsan DKMG oo la eedeeyay

Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Dacwad Hanti-lunsi ah ku Eedeeyey Wasaaradaha DFKM Qaarkood

Xubno ka tirsan baarlamaanka DFKG ah ayaa u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre liis ay ku jiraan ugu yaraan 10 wasaaradood oo Dawladda Soomaaliya ah oo lagu eedeynayo ku takri fal iyo inay ku luntay hanti qaran.

Liiskaas waxaa maanta Xeer Ilaaliyaha u gudbiyey Maxamed Sh. Ali Ahmed (Woosh), Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya. Maxamed Sheekh wuxuu VOA-da u sheegay in hantida la lunsaday ay isugu jirto lacago iyo fiisooyin ay wasaaradahaasi iibsadeen.

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyahay Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre ayaa isna xaqiijiyey in liiskaasi soo gaaray waxaana ku jira wagacyada wasaaraddo dhowr ah oo DKMG ka tirsan kuwaas oo eedaymo ka dhan ahi ay ku qoran yihiin.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay inuu si fiican u eegi doono eedaymahaas kadibna uu go'aan ka gaari doono.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG