Isku xirrada

War Deg-Deg ah

M. Mursi oo Noqday Madaxweynaha Masar


Dalka Masar ayaa lagu dhawaaqay in Maxamed Mursi uu noqday Madaxweynaha cusub ee dalka Masar. Mursi ayaa ku guuleystay 51.7%, halka Axmed Shafiiq oo la tartamayeyna uu helay 48.3%.

Doorashadani ayaa ahayd mid aad u kala qeybisay dad reer Masar.

Natiijada doorashadan ayey ahayd in Khamiistii hore la shaaciyo, hase yeeshee, Guddiga Doorashada ayaa sheegay inuu u baahnaa xilli dheeraad ah oo uu ku baaro khaladaas ay labada murashax sheegeen inay dhaceen—waa murashaxa ururka Ikhwaanul Muslimiinka, Mohamed Mursi iyo RW-hii hore Axmed Shafiiq.

Intii aan natiijada la shaacin, saraakiisha amniga ayaa waddooyinka magaalada Qaahira iyo meelaha kale ee muhiimka ah usoo dejiyey ciidan dheeraad ah.

XS
SM
MD
LG