Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Sharif oo Wareysi Gaar ah Siiyey VOA


Madaxweyne Sharif oo Wareysi Gaar ah Siiyey VOA
Madaxweyne Sharif oo Wareysi Gaar ah Siiyey VOA

Madaxweyne Sharif Sheekh Axmed oo ka qeyb galaya fadhiga guud ee QM ayaa VOA u sheegay inuu dhawaan Ra'iisal Wasaare cusub magacaabayo

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa difaacay isbeddelka xukuumadda Soomaaliya, waxana uu sheegay inuu ahaa mid loo baahnaa. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheek Axmed waxa uu sheegay inuu dhowaan soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare cusub oo leh karti iyo hufnaan.

Madaxweyne Shariif, wuxuu wareysigan uga hadlay kullamada kala duwan ee uu New York kula qaatay madaxda caalamka iyo balanqaadyada loo fidiyay dowladdiisa, isagoo sheegay in waqtigan uu calamku diyaar u yahay inuu taageerro buuxda oo dhab ah siiyo Somalia.

Madaxweyne Shariif wuxuuka hadlay ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika oo la geeyo Somalia, wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo si ay dawladiisa uga caawiyaan adkeynta amniga.

Madaxweynaha oo la weydiiyey inuu heshiis la galayo kooxaha kasoo horjeeda haddii la dhexdhexaadiyo, ayaa sheegay inuu ciddii doontaa dhexdhexaadiyeyaal ha ka noqotee uu soo dhaweynayo inuu heshiis la galo mucaaradka.

XS
SM
MD
LG