Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Argentine oo 1-0 ku garaacday Nigeria


Kooxda Argentine ayaa kooxda Nigeria uga badisay 1-0. ciyaartan ayaa ka dhacday garoonka Ellis Park ee Johannesburg.

Ciyaarta dhexmartay labadan kooxood oo ahayd mid aad u xiiso badnayd, ayaa waxaad moodaa in kooxda Argentine ay weeraro aan kala joogsi ahayn ku qaaday goolka kooxda Nigeria, inkastoo kooxda Nigeria ay iyaguna heleen fursado dhowr ah balse aysan ka faaidaysan.

Daqiiqadii 6-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta waxaa kooxda Argentine u suurtogashay gool qurux badan oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka lagu magacaabo Heinze.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay Argentine ku hogaaminayso. isla qeybta labaad ciyaarta oo labada kooxood ay weeraro isku hayeen, waxay iyaduna ku dhamaatay 1-0.

Isla group-kan B waxaa ku jira ldalalaka Greece iyo Korea, waxayna ciyaar qurux badan oo ay yeesheen garoonka Nelson Mandela ee Port Elizabeth ay guushii ku raacday kooxda dalka Korea oo 2-0 uga adkaaday kooxda dalka Greece.

Kooxaha Korea iyo Argentine ayaa group-kan B hogaaminaya kuwaasoo haysta min sadex dhibcood.

XS
SM
MD
LG