Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ardayda iyo Fursadaha Shaqada


Ardayda iyo Fursadaha Shaqada
Ardayda iyo Fursadaha Shaqada

Ardayda kasoo qalin-jabisa jaamacadaha Puntland ayaa dhibaato badan kala kulma shaqo helida iyadoo inta la helana is-aqoon la isku siiyo

Arday farabadan oo Soomaali ah ayaa sanad walba kasoo qalin jabiya jaamacadah Soomaaliya ku yaalla. Waxbarshada ardaydaas waxaa ku baxa hanti badan oo qoysaskii ardaydaas dhashay waxtar dhaqaale u noqon lahayd.

Markii haddaba ardaydu ay waxbarashada soo dhameystaan ayaa dhibaato badani kala soo daristaa dhinaca shaqo-helida. Iyadoo fursadaha shaqo-abuuristu ay aad u hooseeyaan, dawlad awood dhaqaale leh oo barnaamijyo shaqo abuuris leh sameyn kartaana aysan jirin, ayaa haddana shaqooyinka tirada yar ee soo baxa aan si hufnaani ku jirto loo qeybinin.

Waxa inta badan fursadaha shaqo bixiya hay’adaha samafalka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, kuwaasna waxa inta badan lagaga cawdaa in ay qof ay yaqaanaan oo kaliya shaqadii siiyaan ee aysan eegin heerka aqoonta ee ruuxa shaqada soo doontay.

XS
SM
MD
LG