Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aragtida Qeybaha Bulshada iyo Xukuumadda Cusub


Aragtida Qeybaha Bulshada iyo Xukuumadda Cusub
Aragtida Qeybaha Bulshada iyo Xukuumadda Cusub

Jawaabo kala duwan ayaa laga bixiyay xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra'iisal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaamo.

Maalin ka dib markii uu ra’iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhowaaqay golihii cusub ee xukuumadda ayaa waxaa soo baxaya jawaabo kala duwan oo ay ka bixinayaan qeybaha xildhibaanada iyo bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka, Aqoonyahannada iyo Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xukuumadda golaha cusub ee xukuumadda ee ka kooban 18-ka wasiir ee uu ra’iisal wasaare Farmaajo ku dhowaaqay habeenkii xalay ahaa.

Afkaaraha laga muujiyay waxay isugu jiraan kuwo ayidsan iyo kuwa niyadjab ka qaba qaabka lagu soo xulay golaha cusub ee xukuumadda KMG.

XS
SM
MD
LG