Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amuuraha Islaamka: Muslim Puplic Affairs


Amuuraha Islaamka: Muslim Puplic Affairs
Amuuraha Islaamka: Muslim Puplic Affairs

Hay'adda Muslim Puplic Affairs ayaa sheegtay in dadka aan Muslimka ahayn ee Maraykanka ay qorsheeyeen weeraro argagixiso oo ka badan kuwa muslimiintu qorsheeyeen.

Hay’adda Muslim Puplic Affairs Council ee fadhigeedu yahay dalkan Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay isku dayadii weerar ee la fashiliyay ee ka dhici lahaa dalkan Maraykanka.

Hay’addu waxay daabacday warbixin ay soo ururisay oo ku saabsan cidda ka dambeysay qorshayaashan weerar.

Waxayna isbarbar dhig ku sameysay ficillada ay sameeyeen dadka muslimka ah iyo kuwa aan muslimka ahayn.

Baarista hay’adda ayaa tilmaamtay laga soo bilaabo markii uu dhacay weerarkii 11-kii September 2001 in kooxaha xagjirka ah ee aan Muslimka ahayn ee ku nool Maraykanka gudihisa ay qorsheeyeen 72 weerar marka la barbar dhigo 37 weerar oo kooxaha Muslimiinta ahi dalka Maraykanka ka qorsheeyeen.

Tiradaasi oo sida muuqata ah laba jibbaar in dad aan Muslim ahayn ay ficilo argagixiso ah qorsheeyeen.
Sheekh Cabdisalaam Axmed Aadam oo ka mid ah hay’adda Culimada Islaamka ayaa faah faahin ka bixinaya waxa ay hay’adan Muslim Puplic Affairs Council tilmaam ka bixineyso.

XS
SM
MD
LG