Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo Warbixin soo saartay


Amnesty oo Warbixin soo saartay
Amnesty oo Warbixin soo saartay

Hay’adda Amnesty International ayaa ku dhaliishay wadamo Europe ku yaalla jirdil loo geysto dad ay dib ugu celiyeen dalalkoodiii.

Warbixinta ay hay’adda Amnesty soo saartay oo ka kooban 36 bog oo loogu magac daray “Heshiisyada Halista ah” ayaa waxaa lagu dhaliilay 12 waddan oo reer Yurub ah in ay sameeyaan heshiisyo dhinaca dublamaasiyada ah oo ay la galaan waddamo kale oo ku yaalla Africa iyo Bariga Dhexe, iyagoo markaasi dib ugu celiya dad waddamadaasi kuwaasoo jirdil loo geysto, dadkaasi ayaa lagu tuhunsan yahay in ay ku jireen hawlo argagaxiso ah.

Amnesty International waxa ay sheegtay in aan la damaanad qaadi karin in ay wadamadaasi dadka dib loogu celiyo ay kaga dhabeeyaan in aanay wax jir-dil ah amaba xad gudubyo kale ah u gaysan doonin dadka lagu soo celinayo

Dr Cumar Cabdulle Calasow oo khabiir ku ah xuquuqda aadamaha oo jooga London ayaa sheegaya in waddamadan lagu eedaynayo in ay ka baxeen heshiiskii caalamiga ahaa ee ku saabsanaa ka hor tegidda jir-dilka.

Warbixintan Amnesty International ayaa waxay si gaar ah loogu tilmaamay dalka Britain inuu yahay kuwa sida ugu wayn ugu ololeeya siyaasadan ku saabsan in la helo heshiisyo dhinaca dublamaasiyada ah oo dalalkoodii dib loogu celinayo dadka loo arko in ay halis ku yihiin ammaanka qaranka ee wadanka Britain.

Warbixintan Amnesty International ayaa soo baxday iyadoo oo guddi ka tirsan waaxda socdaalka ee dalka Britain oo qaabilsan racfaanadu ay dhawaan ka fariisanayaan arrinta nin u dhashay dalka Ethiopia oo ay soo food saartay halista ah in laga musaafuriyo dalkan Britain, iyada oo musaafurinta qofkaasina ay ku xiriirsan tahay heshiis is faham ah oo dhex maray wadamada Britain iyo Ethiopia, kuwaas ku heshiiyay in aanay Ethiopia jir-dil ku samaynaynin ninkaasi. Haseyeeshee ururka Amnesty International ayaa wuxuu sheegay in ay diiwaankooda ay ku hayaan meel ka dhacyo aad u ba’an oo xuquuqda aadamaha ah oo ka dhacay dlaka Ethiopia, waxaana ay sheegtay in heshiisyada dhinaca dublamaasiyada ee lala galay Ethiopia ay yihiin qaar aan la isku halayn karaynin.

Warbixinta Amnesty qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG