Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty oo Walaac ka Muujisay Xuquuqda Aaadamaha ee Somalia


Amnesty oo Walaac ka Muujisay Xuquuqda Aaadamaha ee Somalia
Amnesty oo Walaac ka Muujisay Xuquuqda Aaadamaha ee Somalia

Hey'adda Amnesty International ee u doodda xuquuqda aadanaha, ayaa warbixin- ay kasoo saartay Somalia, ku bixisay sawir muujinaya xaaladda sii xumaaneysa.

Amnesty ayaa sheegtay in dhammaan dhinacyada isku haya Somalia, sida DKMG ah iyo AMISOM oo isku dhinac ah, iyo kooxaha Shabaab iyo Xizbul-Islaam oo isku dhinac ah, inay geystaan gabood-fallo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Amnesty, iyadoo xuseysa weerrara tooska ah ee lagu qaado shacabka ayay soo qaadday masiibadii naxdinta wayn lahayd ee December 3-deedii 2009-kii ka dhacday hotel Shamo ee magaalda Muqdisho intii lagu gudajiray xaflad ay ku qalin jabinayeen dhakhaatiir soomaali ah oo soo dhameysatay wax barashadooda dhinaca caafimaad ee jaamacadda banaadir ee Muqdisho oo goobtaasi ka dhaceysay.

Waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof oo ay ku jiraan arday, marti khudbado ka jeedinayay xafladda, saddex wariye, saddex wasiir oo ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah oo kala ahaa wasiirkii tacliintii sare, waxbarashada iyo caafimaadka. 60 qof oo kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Magacyada dadka ku dhintay ayay qaraxaasi oo ay Amnesty soo hadal qaadday ayaa waxaa ka mid ahaa. Profosor maxamed Adan Warsame , Xuseen macalin Xasan, Maxamed Abdulqaadir Maxamed, Axmed XAsan Xuseen, Muxyaddiin Aweys Axmed, Maxamed Cabdulahi Cali, Jamal Luqman Ismacil, Adan Muqtar XAsan, Cabdulqadi Xusen FArax iyo Abubakar Ibrahim Xasan oo dhamaantood ka tirsanaa jaamacadda, Wariye Xasan Suber X. Xasan “Fantastic”oo ahaa filim qaade u shaqeynayay televisionka al Carabia, Maxamed Amin oo ka tirsanaa raadiyaha Shabelle iyo C/qafaar Cabdulqadir oo ahaa wariye madax banaan

Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee soomaaliya Sh. Sharif Sheek Axmed ayaa weerarkaasi cambaareeyay, isagoo ugu yeeray inuu yahay uun dil loola bareeray kuwo ay ujeeddadooda tahay uun inay dadka caawimaadda u baahan ee ku dhibaateysan waddanka.

Al-shabab iyo xisbul islaam ayaa labadaba iska fogeeyay weerarka inay ku lug leeyihiin.

Amnesty waxa ay ka hadashay khataraha haysta wariyayaasha. Waxay sheegtay in nafis la siiyo wariyayaasha, shaqalaha gargaarka iyo kuwa xuquuqda aadanaha si ay u wataan howshooda ay ka wadaan Soomaaliya. Waxay sheetay in sanndkii 2009-kii a dilay 9 wariye, oo saddex ka mid ah si barer ah loo toogtay. Iyadoo xustay inay wax wanaagsan ahayd in la sii daayay laba wariye oo shisheeye ah oo la kala yiraahdo Amanda Lidhout iyo Nigel Brennan kuwaasoo la sii daayay November 25-keedii oo muddo 15 bilood ah ay hasysteen kooxo aan la garanayn.

Dhinca shaqaalaha gargaarka ayay Amnesty warbixinteeda dheer ku sheegtay in gargaarka aadminimo ee ay isga dhex gudbiyaan soomaliya in yihiin kuwa halis ku jira. Ugu yaraan 10 shaqaale oo dhinaca gargaarka aha ayay sheegtay in lagu dilay dalka sannadki 2009-ka toban kalana ay afduubteen kooxo aan lagaranayn. Xarunta UNICEF ee magaalada jowhar ayay xustay in ay bishii May 2009-ka ay weerareen ururka Al-shabab, isla markaana ay bililiqeysteen.

Bishii Octobar 11-keediina ururka Xisbul islaam ee sugan goboka Banadir ayaa amar ku siiyay gabi ahaan hay’adaha gargaarka inay isku diiwaan galiyaan muddo 15 cisho ah oo ay bixiyaan lacag diiwaan galin ah.

Warbixintu waxa ay sidoo kale ka hadashay ciqaabta iyo dilalka sharci darrada ah, waxa ay sheegtay nay ka wal wal qabto dilalka lagula kaco shkhsiyaadka ee dhagaxa lagu filiyo ee ay qaadaan kooxaha hubeysan, toogashada fagaaraha lagu fuliyo ee ay amarto maxkamadda ay leeyihiin kooxaha, tallaabooyinkaasi oo ay sheegtay inay ku xadgudbayaan qawaaniintaa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Waxa ay sheegay in xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadmaha uu ka reeban yahay ama uu mamnuuc ka yahay, in lagu xadgudbo nolosha qofka, khaasatan nooc kasta oo dil ah, waxyeeleynta, dhaqamada naxariis darrada ah iyo silicdilyenta iyo in ciqaab la fuliyo iyadoo aan la haynin maxkamad sharci ah oo ilaalisa xeerarka caalamiga ah, sida uu qorayo xeerka lambarkiisu yahay 3 ee xeerarkii Geneva. Waxa ay soo qaadday dil lagula kacay Maxamed Cali Salad iyo Xasan Macalin Cabdulahi oo bishii Sebtember 28-keedii ay goob fagaare ah ku toogteen ururka al- sbabab iyagoo ku eedeyay inay u basaasayeen Amisom iyo hay’adda sirdoonka dalka maraykanka ee CIA

Hay’ada Amnesty International ayaa sidoo kale warbixinteeda baaq ugu jeedisay ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan Soomaaliya.

• Waxay ugu baaqday AMISOM in ay hubiso in hawlgalladooda Soomaaliya aanay ku xadgudbaynin shuruucda caalamiga ee iyo tan xuquuqda aadamaha. Ay sameyaan guddi baaritaan madaxbannaan ku sameeyaa dhammaan eedeeymaha iyaga loo jeediyo ee la xiriira madaafiic ku jawaabida marka iyaga xagooda loo soo rido oo iyagana lagu eedeeyo inay adeegsadaan hub aad u wadoobadan oo goobaha rayidka ahi ay la beegsadaan

Dhinaca Beesha Caalamka ayaa warbixinta Amnesty Intertanal baaq u jeedineysa iyadoo ku baaqday in si cad loo cambaareeyo xadgudubyada shuruucda caalamiga iyo tan xuquuqda Aadamaha ee laga geysto dalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xadgudubyada loo tirinayo in ay
geysatay dowladda kmg ah laguna cadaadiyo in lagala xisaabtami karo xadgudubyada hadda dhacaya iyo kuwii horey loo geystay.

Erwin Vander agaasimaha qeybta Africa ee Amnesty ayaa sidoo kale ku baaqay in lala xisaabtamo dhammaan dhinacyada geysta xadgudubyada ka geysta gudaha Soomaaliya


• Waa in la hubiyaa ayay warbixintu leedahay in ciidamada
dowladda kmg ah ay si buuxda u tixgelinayaan qawaaniinta caalamiga ee xuquuqda aadanaha ee lagu tababaray, aysanna tacaddi geysan iyagoo iska indho saabaya.



• Warbixintu waxay sidoo kale ku talisay in la joojiyo dhammaan wixii tas-hiilaad ah ee dhinaca hubka, militariga iyo taageerada dhaqaale ee lagu doonayo in hub loogu iibiyo dowladda kmg ah ilaa laga helayo sugnaansho amma damaanad qaad lagaga hortegi karo in taageeradaasi aan loo isticmaalin in xadgudub ka dhan ah qawaaniinta caalamiga ah.

• Waxay ugu dambeyn warbixinta Amnesty International ku talisay in la xushmeeyo cuno-qabateynta Qaramada Midoobay ee hubka ee ay ku soo rogtay Soomaaliya inaan lagu xadgudbin.

XS
SM
MD
LG