Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amnesty: Askareynta Caruurta Soomaaliya


Amnesty: Askareynta Caruurta Soomaaliya
Amnesty: Askareynta Caruurta Soomaaliya

Hay'adda Amnesty International waxay ku eedeysay kooxda al-Shabaab, inay askareyso caruurta, si ay uga barbar dagaalamaan.

Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Arbaca ah, waxay kaga deyrisay xaaladaha caruurta Soomaaliyeed oo ay sheegtay inay si weyn u saameeyeen aabaraha iyo colaadaha. Iyadoona kooxda al-Shabaab si toos ah ugu eedeeysay inay caruurta u isticmaasho dagaalada.

Amnesty International waxay sheegtay in caruurta dalka Soomaaliya la askareeyo, laga horjoogsado fursadaha waxbarashada, si aan kala sooc lahayna loogu dilo amma lagu dhaawaco weerarada lagu qaado meelaha ay dadku ku badan yihiin.

Michelle Kagari, Agaasime ku xigeenka Amnesty International ee Africa, waxay sheegtay in Soomaaliya aysan ka jirin oo keliya dhibaato baniaadamnimo, hase yeeshee sidoo kale ay ka jirto mushkilad ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo caruurta. Kagari ayaa intaa raacisay in caruurtu ay mar kasta halis ugu jiraan in la dilo, la ciidameeyo, loona diro furumaha hore ee dagaalka, haddii ay soo jeestaanna ciqaab la marsiiyo. Amnesty ayaa handaadahaasi ka dhanka ah caruurta ay eedeeda dusha ugu rogtay kooxda al-Shabaab.

Amnesty international, waxay sidoo kale kooxda al-Shabaab ay ku eedeeysay inay iyagu mas’uul ka yihiin xaaladaha bani’aadamnimo ee maanta ka jira dalka Soomaaliya, iyadoo taa sabab uga dhigtay, in al-Shabaab ay muddo laba sano ah u diidday hay’adaha caalamigu inay gargaar gaarsiiyaan goobaha ay ka taliyaan.

Warbixintan Amnesty International ay uga hadleyso xaaladda caruurta Soomaaliyeed, caddeymaha ay cuskaneyso waxay ka soo ururisay inka badan 200 oo oo qaxooti Soomaaliyeed, oo caruur iyo qaan-gaarba leh oo ku jira xeryo ku yaalla Kenya iyo Djibouti. Badi dadkii ay wareystay waxay sheegeen in Soomaaliya ay uga soo carareen si ay uga baxsadaan in kooxaha hubeysan ay askareeyaan.

Amnesty International, waxay soo bandhigtay muuqaal ay ka soo duubtay caruur Soomaaliyeed oo da’doodu ay ka hooseyso 15 jir, kuwaasoo cayaar ka dhigtay dagaalada.

Muuqaalka wuxuu soo bandhigaya, caruurtaasi oo wajiga iyo madaxa ku duubtay shaatiyadii ay gashanaayeen si ay isugu ekeysiiyaan al-Shabaab. hubka ay isticmaalayeenna waa al-waax sidii qori oo kale oo sameeyay, iyo baco ay ku duubeen dambas oo ay bam ahaan isugu tuur tuurayeen.

Amnesty international waxay sheegtay in ka jawaabista xaaladda deg degga ah ee bani’aadamnimo ee Soomaaliya inay u baahan in beesha caalamku aysan aqbalin inay sii socdaan dambiyada dagaalka ee 20-kii sano u dambeeyay ka dhacayay dalka Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG