Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ammuuraha Maraykanka: Daryeelka Caafimaadka iyo TEA PARTY


Ammuuraha Maraykanka: Daryeelka Caafimaadka iyo TEA PARTY
Ammuuraha Maraykanka: Daryeelka Caafimaadka iyo TEA PARTY

Dr. Cabdirahman D. Mohamed iyo Prof. Cabdiwali Ali ayaa qaadaa dhigi doona ceymiska caafimaad ee Obama iyo soo if-baxa TEA PARTY-ga

Iyadoo doorashadii Xilliga dhexe ee Maraykanka ay maalmo uun inaga xigaan, ayaa waxa dood kululi ka taagan tahay qorshaha caafimaad ee Madaxweyne Obama uu gudbiyey, kongereeskuna ansixiyey, arrintaas oo dad badan oo Maraykan ah aan wali ka dhaadhicin.

Dhinaca kale, waxa doorashooyinka door weyn ka ciyaaraya, lagana yaabo inay kuraas dhowr ah ku guuleystaan koox la magac baxday TEA PARTY oo hoos timaada xisbiga Jamhuuriga kooxdan ayaa muddo sanad ka hor uun soo shaac baxay.

Qeytan hoose ka dhagayso Dr. Cabdirahman D. Maxamed oo qaadaa dhigaya sida qorshaha ceymiska caafimaadku illaa hadda u shaqeynayo.

Sidoo kale qeybtan hoose ka dhagayso Prof. Cabdiwali Cali oo ka hadlaya soo if-baxa TEA PARTY-ga iyo waxa xisbigan TEA PARTY-gu yahay.

XS
SM
MD
LG