Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ammaanka Boosaaso oo la Adkeeyey


Ammaanka Boosaaso oo la Adkeeyey
Ammaanka Boosaaso oo la Adkeeyey

Hawlgalkan oo fulintiisa ay ka qayb qaateen ciidamada booliska, daraawiishta ayaa dad badan dhalinayaro u badan lagu soo qabqabtay

Ciidamo aad u tira badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saaka subaxniamdii waxay ka bilaabeen gudaha magaalada Boosaaso qabqabashada dadka dhalinyarada ah ee looga sh akisan yahay amaan darrada.

Waxaa lagu arkayey saldhiga Bartamaha ee magaalada Boosaaso Boqolaal dhalinyaro ah oo halkaas la isugu geeyey, kuwaasoo laga soo ururiyey wadooyinka magaalada

Dadka la soo qabqabtay ayaa isugu jiray kuwa deegaanka ah iyo qaar ka tirsan dadka barakacayaasha ah ee ku nool magaalada Boosaaso, waxaana Saldhiga isugu yimid waalidiin sheegay in caruurtoodii la xiray oo ay doonayaan in loo sii daayo.

Saxaafadda Puntland ayaa si weyn isugu howshay in ay wax ka ogaadaan tallaabooyinkan cusub ee ay ciidamadu qaadeen iyo waxa looga gol leeyahay, haseyeeshee, ma jiraan cid war ka soo saartay sababaha dadka loo soo qabqabtay.

Hawlgalkan ayaa waxaa fulintiisa ka qayb qaatay hawlwadeenada sar sare ee Booliska, Daraawiishta iyo masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada Boosaaso, waxaana loo sababeynayaa talaabadan in looga gol leeyahay adkeynta nabadgelyada magaalada Boosaaso oo beryahan ay ku soo badanayeen qaraxyada lala beegsanayo ciidamada iyo masuuliyiinta Puntland.

Habeenimadii xalay magaalada Boosaaso ka dhacay qarax banbaano oo aysan ciddina waxba ku noqon, waxaa kaloo ciidamadu qabteen miino aad u xoog weyn oo laga diyaariyey walxaha qarxa, kadib markii ay arkeen dadkii halkaas ku sugnaa. Kooxihii qaraxan waday ayaa markii ay dhigeen cararay, waxaana durbadiiba soo gaaray ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay boorso qaraxaas lagu soo diyaariyey.

Toddobaadyadii hore ayaa ciidamada Puntland hawlgalo guryaha magaalada Boosaaso lagu baarayo ka fuliyeen xaafadaha magaalada, talaabadaanina waa tii labaad ee ay qaadaan ciidamada ammaanka.

XS
SM
MD
LG