Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo qarax lala beegsaday


AMISOM oo qarax lala beegsaday
AMISOM oo qarax lala beegsaday

Warar ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Qarax ayaa ka dhacay saldhig cusub oo ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin dhismaha xaruntii bangiga ganacsiga ee Somalia oo ku taalla bartama Muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu fuliyay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Ilaa hada lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu qaraxaasi dhaliyay, laakiin Afhayeenka ciidamada AMISOM Major Bahuko ayaa VOA u sheegay in laba ka tirsan ciidamada AMISOM ay qaraxaasi ku dhaawacmeen, sidoo kale ay dhinteen sadex qof oo saarnaa baabuurkii qaraxa lagu geystay.

Laba qof oo rayid ah oo la sheegay inay goobtaasi ka dhawaayeen ayaa iyaguna dhaawac soo gaaray.

Major Bahuko, afhayeenka ciidamada AMISOM, wuxuu VOA-da u sheegay in ciidamada AMISOM ay ogaayeen oo ay ka warheleen weerarka lagu soo qaaday maanta sadex cisho ka hor, isla markaana ay feejignaan ku jireen. Major Ba-huko wuxuu sheegay inay fashiliyeen qaraxaasi, taasina ay sababtay in qaraxu uusan geysan khasaare fara badan.

Ciidamada AMISOM ayaa toddobaadkii hore u guuray oo saldhig ka samaytay goobta uu qaraxu ka dhacay ee xaruntii bangiga ganacsiga Soomaaliya.

In kasta oo aysan cidna wali sheegan mas'uulliyada qaraxaasi, hadana ururka Al-Shabaab ayaa iyagu sheegta weerarrada loo geysto ciidamada AMISOM. Sanadkii hore ayaa Ururka Al-Shabaab weeraro ismiidaamin ah la beegsaday xarumaha ay Muqdisho ka dagan yihiin ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM.

La Xiriira

XS
SM
MD
LG