Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM iyo DKMG oo Goobo Qabsaday


AMISOM iyo DKMG oo Goobo Qabsaday
AMISOM iyo DKMG oo Goobo Qabsaday

Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ayaa maanta dagaal qorsheysan ku qabsaday saldhigyo ay kooxda Alshabaab ku lahayd degmooyinka Yaaqshiid iyo Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkaasi oo soo socday ee galankii danbe ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 10 ruux oo labda dhinac ubadanaa.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Paddy Ankunda oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in goobo muhiim ah oo ay ku jiraan qabuuraha Barakaat iyo Jaamacadii Muqdisho ay ka saareen kooxda al-Shabaab

Afhayeenka ayaa sheegay in labo askari ay AMISOM dagaalka uga dhaawacmeen.

Dowladda iyo AMISOM ayaa sheegay in qorshaha dagaalkoodu uu yahay inay xaqiijiyaan amniga Muqdisho isla markaana kooxda al-Shabaab ka saareen goobaha ay kaga harsan yihiin magaalada.

XS
SM
MD
LG