Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM iyo DKMG oo Qabsaday Laanta Buuro


Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ayaa maanta sheegay inay ururka al-Shabaab ka qabsadeen deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Shabeellada Hoose.

Laanta Buuro waxay ahayd goob ay tababar ku qaataan maleeshiyada ururka Al-Shabaab, waxayna 40km dhinaca galbeed kaga toosan tahay magaalada Muqdisho.

Abaanduullaha ciidamada AMISOM General Andrew Gutti, ayaa sheegay qabsashada Laanta Buuro ay kor u qaadi karto amniga kana una diidi karto kooxaha argagixisada inay u noqoto saldhig ay weerarrada ka qaadaan.


XS
SM
MD
LG