Isku xirrada

War Deg-Deg ah

IGAD: Al-Shabaab Waxay Halis ku Tahay Gobolka


Ururka IGAD ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay halis ku yahay waddamada gobolka oo idil oo aysan ku koobneyn oo Soomaaliya kaliya.

IGAD waxa ay sheegtay in kooxda Al-Shababa ay xubno ku yeelatay inta badan waddamada gobolka sida Kenya, Jabuuti, Uganda, iyo Itoobiya.

Warbixin uu soo saaray urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Al-Shabab ay sameeyeen garab milatari oo si wyen uga hawlgala waddanka Kenya.

Waxa sidoo kale al-Shabaab abuurtay, sida warbixinta ay leedahay, garab milatari oo ay ugu talagaleen inay weerarro ka gaystaan dalka Itoobiya.

Warbixinta waxaa soo akhriyey, soona jeedinaya Haaruun Macruuf.

IGAD: Al-Shabaab waa halis gobolka ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:11 0:00

XS
SM
MD
LG