Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baardhere: al-Shabab oo Gashay Xafiisyada Hay'adda Bisha Cas


Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in ururka Al-Shabab ay qabsadeen xafiisyadii hay’adda bisha cas ee magaalada, ayna la wareegeen daawo, kumannaan kartoon oo buskut nafaqada ee carruurta, kombiyutarroo iyo qalab kale.

Sida aynu ku helnay warar lagu kalsoon yahay saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabab oo ciidan wata ayaa xafiisyada galay saacadihii hore ee saaka, iyagoo shaqaalihii guryahooda u diray kadibna la wareegay xafiisyadii hay’adda.

Bisha Cas ayaa ahayd hay’adda keliya ee weli hawlo gargaar ah ka sii wadda Baardheere.

Al-Shabab ayaa tallaabadan oo kale horey uga qaaday hay’ado gargaar ah oo ay ka mid yihiin UNICEF, WFP iyo kuwo kaleoo ay qabsadeen xafiisyadii, qalabna kala wareegeen.

XS
SM
MD
LG