Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada oo Suuqa Xoolaha Qabsaday


Ciidamada AMISOM iyo DKMG ayaa weerar ay saaka qaadeen ku qabsaday xaafadda Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho oo ay hore u haysatay kooxda Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG ayaa sheegay in ciidamada huwantu ay saaka aroortiii dhowr jiho ka weerareen Suuqa Xoolaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay qabsadeen deeggaanno ay ka mid yihiin Maslax iyo Suuqa Xoolaha.

Ciidamada Uganda ayaa ka qeybgalay dagaalka maanta lagu qabsaday Suuqa Xoolaha.


Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka maanta uu dhaliyay.

XS
SM
MD
LG