Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo Weeraro Kale ku Hanjabtay


Al-Shabaab waxay hanjabaadeeda ku soo gudbisay idaacadaha gudaha ee magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha kooxda mintidka ah ee dalka Soomaaliya al-Shabaab ayaa ku hanjabay inay weeraro kale u geysan doonaan dalka Uganda.

Sheekh Mukhtar Abu zubeyr oo Khamiistii la hadlay Idaacaha gudaha ee magaalada Muqdisho ayuu wuxuu soo dhoweeyay qaraxyadii lagu dilay inka badan 70 qof oo daawanayay ciyaarihii kama dambeysta ee Koobka Adduunka, magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Abu Zubeyr ayaa ku hanjabay weeraro kale oo uu sheegay inay kaga aargudanayaan dalka Uganda oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya.

Hogaamiyaha al-Shabaab ayaa ku eedeeyay ciidamada Uganda ee ka qeyb qaadanaya hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya AMISOM inay daadiyeen dhiiga shacabka Soomaaliya.

Kooxda al-Shabaab oo xiriir la leh shabakadda al-Qaacida ayaa dagaal kula jirta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG