Isku xirrada

War Deg-Deg ah

al-Shabaab oo laga Qabsaday Beledweyne


al-Shabaab oo laga Qabsaday Beledweyne
al-Shabaab oo laga Qabsaday Beledweyne

Ciidamo huwan ah oo isugu jira Ethiopian iyo Soomaali ayaa maanta kooxda al-Shabaab ka qabsaday gacan ku haynta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qabsashadan ayaa timid kaddib markii ciidamadan huwanta ah ay saaka aroortii weerar xooggan ku qaadeen magaalada Beledweyne.

Dagaalka ayaa ku bilowday duqeyn culus oo lala eegtay fadhiisimada al-Shabaab ee dulleedka magaalada, kaddibna dagaalka ayaa ku fidday magaalada, iyadoo ugu danbeyntiina ciidamada huwanta ah ay gudaha u galeen bartamaha magaalada laguna qasbay kooxda al-Shabaab inay ka baxaan Beledweyne.

XS
SM
MD
LG