Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda


Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda
Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda

Maamulka Al-Shabab ee Beled-xaawo ayaa kulan la qaatay maamulka Mandeera ee Kenya. kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ayaa looga hadlay arrimo kala duwan.

Kulankan waxaa dhinaca Al-Shabaab uga qeybgalay Guddi gaar ah oo ay soo dirsadeen maamulka Beled-xaawo oo ay ku jiraan odoyaal dhaqameed iyo xubnaha ugu sareeya maamulka Beled-Xaawo, halka dhinaca dowladda Kenya ay ka qeybgaleen maamulka Degmada Mandheera iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeeda degmadaasi.

Labada dhinac waxay gorfeeyeen qodobo uu dhinac walba u u arko inuu dhinaca kale ka tabanayo. Dhinaca maamulka Al-shabaab ayaa waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen:

In gudaha Kenya lagu tababaro ciidamo ka tirsan DKMG, taasoo Al-shabaab ay Kenya ka doonayaan inay joojiso,

In la joojiyo gabdhaha ciidamada Kenya ay indho-shareerka uga furayaan marka ay u soo gudbiyaan xuduudda dhinaca Kenya.

Dhinaca Kenya waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen:

In wax laga qabto kooxaha hubeysan ee dhinaca Beled-xaawo ka soo gudbaya ee dhaca ka geysanana Mandhere.

In dib loo soo celiyo calaamadihii xuduudda ee ay Al-shabaab hore u burburiyeen.

Ugu danbeyntii labada dhinac waxay arrintan u saareen guddi gaar ah oo isla soo eego, iyagoo todobaadkan gudihiisana la filayo in labada dhinac ay saxiixaan.

Warkan ka dhagayso qeybta hoose ee qoraalkan.

XS
SM
MD
LG