Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda

Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda
Al-Shabaab iyo Kenya oo ku kulmay xuduudda

Maamulka Al-Shabab ee Beled-xaawo ayaa kulan la qaatay maamulka Mandeera ee Kenya. kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ayaa looga hadlay arrimo kala duwan.

Kulankan waxaa dhinaca Al-Shabaab uga qeybgalay Guddi gaar ah oo ay soo dirsadeen maamulka Beled-xaawo oo ay ku jiraan odoyaal dhaqameed iyo xubnaha ugu sareeya maamulka Beled-Xaawo, halka dhinaca dowladda Kenya ay ka qeybgaleen maamulka Degmada Mandheera iyo odoyaal dhaqameed ka soo jeeda degmadaasi.

Labada dhinac waxay gorfeeyeen qodobo uu dhinac walba u u arko inuu dhinaca kale ka tabanayo. Dhinaca maamulka Al-shabaab ayaa waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen:

In gudaha Kenya lagu tababaro ciidamo ka tirsan DKMG, taasoo Al-shabaab ay Kenya ka doonayaan inay joojiso,

In la joojiyo gabdhaha ciidamada Kenya ay indho-shareerka uga furayaan marka ay u soo gudbiyaan xuduudda dhinaca Kenya.

Dhinaca Kenya waxay soo bandhigeen qodobo ay ka mid ahaayeen:

In wax laga qabto kooxaha hubeysan ee dhinaca Beled-xaawo ka soo gudbaya ee dhaca ka geysanana Mandhere.

In dib loo soo celiyo calaamadihii xuduudda ee ay Al-shabaab hore u burburiyeen.

Ugu danbeyntii labada dhinac waxay arrintan u saareen guddi gaar ah oo isla soo eego, iyagoo todobaadkan gudihiisana la filayo in labada dhinac ay saxiixaan.

Warkan ka dhagayso qeybta hoose ee qoraalkan.

This item is part of
XS
SM
MD
LG