Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahmed Chalabi Oo U Dhintay Wadno Xanuun


Ahmed Chalabi waxaa lagu xusuustaa inuu Mareykanka siiyey warbixinno sirdoon oo been abuur ahaa, kuwaas oo hoggaamiyey weerarkii xukunka looga tuuray Saddam Hussein.

Siyaasiga Ciraaqiga ah ee Ahmed Chalabi oo sanaddii 2003 gadaal ka riixayey qabsashadii Mareykanka ee Iraq ayaa talaadada maanta ah u geeriyooday wadno xanuun.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Iraq iyo taleefishinka qaranka dalkaas ayaa sheegay in Chalabi uu ku geeriyooday magaalada Baghdad, halkaasi oo 71 jirkaasi uu ahaa guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamanka Iraq.

Chalabi, ayaa inta badan noloshiisa ku qaatay dalalka Britain iyo Mareykanka, oo uu ka qaatay shahaadooyinka Master-ka iyo PhD.

Xiriirka uu la lahaa Mareykanka ayaa si aad ah usoo shaac baxay markii uu soo dhowaaday dagalkii Mareykanka uu ku qaaday Iraq ee xukunka looga tuuray Saddam Hussein.

Chalabi ayaa Mareykanka siiyey warbixinno sirdoon oo tuhmayey in Saddam uu haystay hubka sida ba’an wax u gumaada, hase yeeshee waxaa Mareykanka uu ka kalsooni baxay, markii warbixinnadaas ay noqdeen been abuur.

XS
SM
MD
LG