Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasimhii Arrimaha Diinta ee Puntland oo la Dilay


Agaasimhii Arrimaha Diinta ee Puntland oo la Dilay
Agaasimhii Arrimaha Diinta ee Puntland oo la Dilay

Sheekh Ismaaciil waxaa uu aad uga soo horjeeday siyaasadaha kooxaha xagjirka ah ee dalka Soomaaliya.

Waxaa duhurnimadii maanta bartamaha magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug lagu dilay agaasimihii arrimaha diinta iyo aw-qaafta ee wasaaradda cadaaladda ee Puntland Sheekh Ismaaciil Xaashi Xuseen.

Dilka mas’uulkaasi waxaa loo adeegsaday miinada dhulka la geliyo ee meesha fog laga amro, taasoo lala beegsaday gaarigiisii oo marayay xaafad ka tirsan waqooyiga Gaalkacayo. Qof kale oo la saarnaa gaariga ayaa qaraxaasi ku dhaawacmay.

Lama oga sababta ka dambeysa dilka mas’uulkaasi oo horey eedeymo kulul u jeediyay siyaasadaha kooxaha xagjirka ah ee qaraxyada iyo dilalka qorsheysan fuliya.

Dilkan loo geystay agaasimhii arrimaha diinta iyo aw-qaafta ee wasaaradda cadaaladda ee Puntland wuxuu u dambeeyay dilal si idaba joog ah iyo qaraxyo lala eeganayay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, inkastoo badi isku dayadaasi khaarijinta ah ay ka badbaadayeen.

Lixdii bishan April ayay ahayd markii rag hubeysan oo qaarkood lebisnaa dhar askareed ay bartamaha magaalada Garowe ee xarunta Puntland ay ku dileen mas’uul ka tirsanaa xarunta horumarinta iyo cilmi baarista Puntland ee (PDRC) Maxamed Yaasiin Ciise (Ilkacase).

XS
SM
MD
LG