Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasimaha Idaacadda Horseedmedia oo la xiray


Agaasimaha Idaacadda Horseedmedia oo la xiray
Agaasimaha Idaacadda Horseedmedia oo la xiray

Ciidamo ka tirsan booliska Boosaaso ayaa galay xarunta Idaacadda Horseed Media, iyagoo damiyay Idaacadda, ka dibna shaqaalihii u taxaabay Saldhigga.

Ciidamo ka tirsan booliska magaalada Boosaaso ayaa shalay gudaha u galay xarunta Idaacadda Horseed Media ee ku taalla magaalada Boosaaso, iyagoo saldhigga u kaxeeyay dhammaan shaqaalihii Idaacadda.

Madaxa Horseed Media, Mahad Muuse Axmed oo ku sugan magaalada Hague e dalka Netherland amma Holland ayaa VOA u sheegay in boolisku ay gudaha u galeen xarunta Idaacadda shalay galab ka dibna ay hawada ka saareen Idaacadda.

Mr. Mahad ayaa sheegay in ilaa 8 shaqaale ah ay xarunta ku sugnaayeen markii ay ciidamadu galayeen Idaacadda, inkastoo dhammaan shaqaalihii laga sii daayay saldhigga, haddana waxaa xalay saldhigga gudihiisa ku baryay Agaasimihii Idaacadda Horseed Media, C/fataax Jaamac Mire.

Lama oga sabata dhabta ah ee ka dambeysay tallaabada ay boolisku ku qaadeen Idaacadda Horseed Media, inkastoo ay ku soo beegantay saacado ka dib markii Idaacaddu ay sii daysay wareysi ay la yeelatay Sheekh Maxamed Siciid Attam oo koox uu hogaamiyo ay dagaal kula jirto ciidamada maamulka Puntland, buuraleyda Galgala ee duleedka Boosaaso.

XS
SM
MD
LG