Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Adduunka oo Xusaya Maalinta Qaxootiga


Adduunka oo Xusaya Maalinta Qaxootiga
Adduunka oo Xusaya Maalinta Qaxootiga

Maalinta Qaxootiga Adduunka ayaa maanta la xusay, iyadoo hay'adda UNHCR ay warbixin ka soo saartay xaaladda qaxootiga.

Hayada qaxootiga ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee UNHCR waxa aya ku sheegtay warbixinteedda in ay sanadkii tagay ee 2010-kii ay sii kordheen tirada dadka magan gelyo doonka ah iyo kuwa ka barakacay deegaamadoodii, iyada oo sanadkii hore tiradaasi gaadhay 44 Million oo qof,waxaanay tiradaasi tahay bay tidhi hayada UNHCR tii ugu badnayd ee caalamka soo marta muddo 15 sanadood ah.

Waxaanay hayada UNHCR sheegtay oo kale in shantii qof ee qaxootigaasi ahba ay afar ka mid ahi ka mid ahiay magan galaan wadamada saboolka aah ee soo koraya

Waxaanay hayada UNHCR sheegtay in ku dhawaad shan iyo toban million iyo shan boqol oo kun oo qaxootigaasi ka mid ahi ay ka gudbeen soohdimaha wadamadoodda,oo 25-ka million ee kalena ay ku bara kaceen wadamadooda gudahoodda

Hayada UNHCR waxa aay sheegtay in ay qaxootiga ugu badan ee caalamku ay yihiin reer afgaanistaan oo ay tirade qaxootigoodu dhan tahay 3 million oo qof,,waxaana ku soo xiga ciraaqiyiinta oo ay tirade qaxootigoodu tahay hal million iyo lix boqol oo kun oo qof,,Soomaalida ayaa hyada UNHCR waxa aay sheegtay in ay yihiin qaxootiga sadexaad ee ugu badan ee aduunka,,waxaana ay sheegtay in tirade qaxootiga Soomaalidu ay dhan tahay 770.200.

XS
SM
MD
LG