Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Addis-Ababa: Shir looga hadlayo arri. Somalia


Addis-Ababa: Shir looga hadlayo arri. Somalia
Addis-Ababa: Shir looga hadlayo arri. Somalia

Ergayga gaarka ah ee XGQM, Augustine Mahiga ayaa sheegay in 31-01-2011 Addis-Ababa lagu qaban doono shir looga hadlayo xaaladda Somalia

War-saxaafadeed uu soo saaray Ergeyga gaarka ah XGQM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Augustine P. Mahiga, ayaa lagu sheegay in kulan gaar ah oo heer-sare ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka dhici doono magaalada Addis Ababa 31-ka bisha Janaayo 2011

Shirkaasi arrimaha Somalia ee Addis-Ababa oo ay si wadajir ah u qaban doona XGQM, Ban Ki-moon iyo guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika, Mr. Jean Ping, ayaa looga hadlayaa sidii dib loogu eego xaaladda geeddisocodka nabadda Soomaaliya.

Mahiga wuxuu sheegay in DKMG ay diyaarisay qorshe hawleed oo qeexaya hawlaha muhimka ah ee ay doonayso inay qabato inta uusan dhammaan xilliga ku meelgaarka ah.

Mahiga wuxuu xusay in Heshiiskii Djibouti u qorayo in xiliiga KMG uu bisha august 2011 ku eegyahay. Iyadoo inta ka horeysa waqtigaasi ay soconayaan wadatashi lagu gaarayo isafgarad ku saabsan sida lagu dhammeynayo xiliiga KMG iyo sida uu noqonayo hanaanka siyaasadeed ee jiri doona bisha August kaddib.

XS
SM
MD
LG