Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abwaan Abshir Bacadle oo Muqdisho ku Geeriyooday


Abwaan Abshir Bacadle oo Muqdisho ku Geeriyooday
Abwaan Abshir Bacadle oo Muqdisho ku Geeriyooday

Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isaga oo aan wax nabar ah u dhiman

Abwaan Abshir Nuur Faarax oo Bacadle loo yaqaanay ayaa shalay oo Sabti aheyd magaalada Muqdisho ku geeriyooday. Abwaan Abshir Bacadle tii Illaahay ayaa u timid umana dhiman wax nabar ah oo soo gaaray.

Abwaan Bacadle waxa uu ku dhashay magaalada Mustaxiil ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia, waxana uu magaalada Muqdisho yimid isagoo da' yar, suugaantiisiina ka bilaabay.

Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in maalmihiisii u dambeeyey uu ku mashquulsanaa arrimaha samafalka oo kaalin weyn ka ciyaari jiray caawinta dadka barakacay, kuwa dagaalada ku dhaawacmay iyo naafadii ciidanka qalabka sida ee Somalia ee cisbitaal Martiini ku jira.

Warka oo dhameystiran, hoosta ka dhagesyo

XS
SM
MD
LG