Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Washington DC oo Baraf Qariyay


Capitol House oo baraf qariyay
Capitol House oo baraf qariyay

Duufaanno Baraf badan wata ayaa qariyay oo hakiyay dhamaan howlihii magaalada Washington DC iyo gobollada ku yaalla bariga Maraykanka

Duufaannadan barafka ayaa waxay ku dhufteen magaalada Caasimada ee Washington DC, gobollada ku hareeraysan ee Virgnia iyo Maryland iyo gobollada dhinaca bari ee dalka Mareykanka.

Barafkan ayaa dhamaan hakiyay isu-socodka magaalada Washington, iyadoo la xiray garoomada diyaaradaha, tareemada iyo waliba gaadiidka dadweynaha. Magaalooyin waa weyn ayaa waxaa la sheegayaa in barafkani uu ka dhigay koronto la'aan kadib markii ay dhulka ku soo daateen fiilooyinkii korontada xambaara.

Inta badan xarunta VOA qeybaheeda kala duwan waxa amar lagu siiyey in aysan Sabti iyo Axad soo shaqo tagin oo ay guryahooda iska joogaan, gaar ahaan Waaxda Afrika ee VOA oo ka kooban 8 Laamood, markii laga reebo Laanta Af Soomaaliga.

Xaaladda Soomaaliya oo aan la mid aheyn waddamada xasiloon awgeed ayaa madaxda VOA ay u ogolaadeen in ay si toos ah u baxaan barnaamijyada laanta af Soomaaliga ee VOA.

Cabdiraxman Yabarow madaxa laanta af Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in qabowgan iyo barafkan oo kale aanu soo marin Magaalada Washington DC iyo agagaarkeeda oo uu soddon sano degenaa.

Culimada ku xeesha dheer saadaasha hawada ayaa sheegaya in hadii barafka dhulka iminka yaal ay ku darsamaan ilaa 5 inch oo kaliya, markaas Barafka maanta ka da'aya Washinton uu dhaafaya wixii ay DC horey u aragatey boqolkii sano eee la soo dhaafey.

Warayisiga Cabdiraxmaan Yabarow ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG