Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mbappe oo xaqiijiyay inuu ka tagayo PSG, kooxde ayuuse ku biirayaa?


Xiddiga kubadda cagta Faransiiska Kylian Mbappé ayaa muuqaal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X Jimcihii ku sheegay inuu ka tagi doono Paris Saint-Germain oo uu soo afjari doono “joogstiisii” kooxda toddobaadyo gudahood.
25-sano jirkaan ayaa yiri: “Kani waa sanadkeygii ugu dambeeyay ee Paris Saint-Germain, ma sii joogi doono, waxaana soo gabagabeyn doonaa khibradeyda isbuucyo gudahood, waxaan ciyaari doonaa kulankeyga ugu dambeeya ee garoonka Parc des Princes maalinta Axada”.

Warbaahinta ayaa aad u hadal heysa in Mbappe uu u dhaqaaqi doono Real Madrid. Mbappe kuma soo hadal qaadin kooxda heysata horyaalka Spain muuqaalkiisa laakiin, wuxuu xaqiijiyay inuu ka tagayo France.

Horraantii todobaadkan, Borussia Dortmund ayaa garaacday PSG ciyaartii semi-finalka Champions League.

Shirkadda Qatar Sports Investment ee ay maamusho dowladda Qatar ayaa saamiga ugu badan ka iibsatay PSG sannadkii 2011.

Tan iyo markaas, PSG ayaa ku guuleysatay sagaal horyaal oo Ligue 1 ah, laakiin waxay ku guuldareysatay inay ku guuleysato Champions League - oo ah yool muhiim u ah milkiilayaasheeda Qatar.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG