Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ardayda Soomaalida ah ka yiraahdeen dibadbaxyada Jaamacadaha Mareykanka?


Dibad-baxayaal taageeraya Falastiiniyiinta ayaa qabsaday dhismo ku yaalla Jaamacadda Columbia Talaadadii iyaga oo ka mudaaharaadaya dagaalka ay Israa’iil ka waddo Qaza.

Booliska magaalada New York ayaa saacado ka hor galay Jaamacaddaasi, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaasha taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba todobaad ah.

Mudaaharaadayaasha ayaa soo bandhigay boorar ay ku qoran tahay "Hoolka Hind", oo calaamad u ah dhismaha loogu magacdaray ilmo 6 jir ah oo Falastiini ah oo ay ciidamada Israa'iil ku dileen Gaza.

Haddaba khadka taleefanka ayaan kula xiriirtay Zahra Abokor oo ka mida ah ardayada jaamacadaha ee gobolka Calefornia, waxaana aan ugu horreyn weydiisay aragtideeda ku saabsan mudaaharaadyadan.

Wareysi dibadbaxyada ardayda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:59 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG