Jowhar/Washington —
Wasiirka Arrimaha Guddaha maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in biyaha webiga iyo roobabka xooggan ee da’aya ay saameyn xooggan ku keeneen dadka degan deegaannada Mahadaay, Jalalaqsi iyo Buulo-Burte.
Wasiirka ayaa sheegay in xajmiga biyaha webiga uu ka sare maray sidii uu ahaa, fatahaad xooggana uu wado.
Haddaba wasiir arrimaha guddaha Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore, ayaa u waramayey Sahra Cabdi Axmed oo joogto Washington, D.C.
Madal