Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suxufi ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho


Cabdifitaax Qeys
Cabdifitaax Qeys

Booliiska ayaa war saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in Cabdifitaax Macalin Nuur Qeys oo ahaa agaasimihii xafiiska Muqdishu ee telefiishanka Somali Cable uu ku dhintay qaraxaasi is-miidaaminta ahaa, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa waxaa ka dambeeyey qof isa soo miidaamiyey oo isku qarxiyey dad shaah ku hor cabayey maqaayadda Blue Sky, waxaana uu dhacay 9:00 fiidnimo xiliga Muqdishu, sida ay sheegeen ciidamada booliiska Muqdishu.

Geerida Cabdifataax Qeys waxaa xaqiijiyey telefiishanka uu u shaqaynayey ee Somali Cable oo Facebook ku qoray inuu ku dhintay qaraxa dhacay caawa.

Ururka suxufiyinta Somali Journalists Syndicate ayaa cambaareeyey dilka war saxaafadeed ay soo saareen caawa.

Qaraxa kan ka horreeyey ayaa Muqdishu ka dhacay 29-kii September waxaana ku dhintay shan qof.

Dawladda Soomaaliya ayaa wadda hawlgallo milatari oo ka dhan ah al-Shabaab. Maanta ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Madal

XS
SM
MD
LG