Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab: Khasaaraha dabkii suuqyada Tog Wajaale iyo Jowhar


Waxa magaalada Tog Wajaale ee Somaliland lagu qabtay munaasibad lagu soo bandhigayay khasaarihii ka dhashay gubashadii suuqii Wajaale bishii hore iyadoo la sheegay in lagu qiyaasay hantidii ku gubatay shan milyan iyo sadex boqol oo kun oo doolaar.

Dhinaca kale waxaa isla maanta lagu dhawaaqay kaalmo dhaqaale oo gaadhaysa laba milyn iyo toddoba boqol iyo konton kun oo doollaar taasi oo ay ku yabooheen ganacsatada iyo Xukuumadda Somaliland sida uu VOA u sheegay Wasiirka Qorsheynta Dr Axmed Aadan Buuxane. Warbixintan waxa Hargiesa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Dabka Wajaale
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:46 0:00

Dhinaca kale, Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle waxa xalay ka kacay dab qasaare geystay, kaas oo ka bilowdey goob lagu farsameeyo rootiga, xalwada, buskutka iyo waxyaabo kale oo mac macaan ah. Dabka ayaa markii dambe fidey. Jamaal Axmed Cismaan ayaa khasaaraha dabkan gaystay ka waraystay Guddoomiyaha xaafadda Hantiwadaag ee Jowhar, Cismaan Xuseen Cumar (Cusmaan Gaab).

Dabka Jowhar
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG