UNGA
Guterres: Waqti yar ayaa ka haray in laga fogaado musiibooyinka cimilada

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay inta lagu guda jiro shirmadaxeedka cimilada ee hoggaamiyayaasha Adduunka Arbacadii in aysan waqti badan ka harin si looga fogaado masiibo deegaan.
"Waa in aan dib u habeyn ku sameynaa waqtiga ka lumay caga-jiidista, gacan-wareejinta iyo damaca qaawan ee danaha cakiran ee balaayiinta ka imaanaya shidaalka fosilka," ayuu Guterres u sheegay hoggaamiyeyaasha adduunka bilowgii dood-cilmiyeedka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee xarunta Qaramada Midoobay ee New. York.
Kadib khudbaddii furitaanka ee Guterres, madaxda dowlado matalaya 34 waddan ayaa loo qorsheeyay inay ka hadlaan muhiimada sii jirista, oo ay ku jiraan Brazil, Pakistan, South Africa, Canada, Midowga Yurub iyo Tuvalu, oo ah jasiirad ku taal Polynesia oo halis ugu jirta kor u kaca heerka badda.
Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio "Lula" da Silva ayaa ka baxay shirka dalkiisa kadib markii uu xanuunsaday. Wasiirka deegaanka ayaa la filayaa inuu ka hadlo booskiisa.
Labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan iyo wasakheynta ugu weyn -ee Mareykanka iyo Shiinaha - ayaa si muuqata looga saaray liiska dadka ka hadlay.
Waddamada qorshaynaya inay kordhiyaan ballan-qaadyada dhimista qiiqa ayaa lagu casuumay madashan. Ergeyga gaarka ah ee cimilada ee Maraykanka John Kerry ayaa goob joog ahaa.
Guterres waxa uu sheegay in isbedelka caalamiga ah ee ka imanaya shidaalka fosil una gudbayo ilaha tamarta la cusboonaysiin karo uu hadda socdo, laakiin horumarkan ayaa dib u dhacay tobanaan sano. Wuxuu sheegay in waxyeelada isbedalka cimiladu ay si weyn u garaaceyso dunida soo koreysa, iyadoo ugu horrayn eedda ay leedahay Waqooyiga Caalamka.
"Waddamo badan oo sabool ah ayaa xaq u leh inay caroodaan, ama ay xanaaqaan, sababtoo ah waxay la ildaran yihiin dhibaatooyin cimilo oo aysan waxba abuurin, xanaaqsan sababtoo ah maalgelinta loo ballanqaaday ma dhicin. " Madaxweynaha ayaa yiri.
See all News Updates of the Day
RW Xamse oo la kulmay Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare oo ay ka mid yihiin, Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Wasiirka arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta iyo madax kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay madaxweyne Joe Biden sidii dowladda Mareykanku ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena Soomaaliya ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.
Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacooda ka wada hadlay xoojinta iyo wada-shaqaynta u dhexeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.
Sida lagu faahfaahiyey warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay wasiirka arrimaha debedda ee isu-tagga imaaraadka carabta sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.
RW Xamse oo faahfaahin ka bixiyey qaadashada kaarka aqoonsiga

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in kaararka cusub ee aqoonsiga Soomaalida uu heli doono qof kasta oo Soomaali ah oo buuxiya shuruudaha lagu qeexi doono sharciga jinsiyadaha ee dastuurka Soomaaliya.
RW Xamse ayaa wareysi uu siiyay VOA ku sheegay in kaarka aqoonsiga uu qofka Soomaaliga ah siin doono sumad ama aqoonsi ka weyn kan qabiilka, isla markaana uu ku heli doono addeegyo kale duwan.
Caasha Ibraahim Adan Cuud ayaa RW Xamse wareysi kula yeellatay magaalada New York.
Wareysiga Ra'isul Wasaare Xamza Barre (Qeybtii labaad)

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliyaa Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada New York, ayaa VOA u sheegay in khubadda uu ka jeedin doono shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu diiradda ku saari doono xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada amniga, oo uu sheegay in horumar weyn laga sameeyay.
Xamza ayaa sheegay in dunida uu ugu baaqi doono in Soomaaliya la maalgashado maada ay barwaaqo ka buuxdo.
Ra'isul Wasaaraha ayaa dhinaca kale VOA u sheegay in khubaddiisa uu ku soo dari doono in dulmiga laga daayo Muslimiinta dunida, gaar ahaa dadka reer Falastiin, sidoo kalana la joojiyo afganbiyada ka dhacaya qaaradda Africa.
Weriyaheena Caasha Cuud ayaa Xamza Barre wareysi kula yeelatay magaalada New York. Waatana qeybta labaad ee wareysiga RW Hamse uu siiyay VOA.
Mareykanka oo Kenya ku ammaanay ka qeybgalkeeda dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta la kulmay madaxweynaha Kenya William Ruto 'si uu u muujiyo sida uu ugu faraxsan yahay iskaashiga istiraatijiyadeed ee muddada dheer' ee ay Kenya la wadaagto Maraykanka iyo ka qayb nabadda iyo xasilloonida caalamka.
"Xoghaye Blinken ayaa uga mahadceliyey Kenya sida ay uga fiirsaneyso inay hoggaamiso howlgal amni oo caalami ah oo ay ku tagto Haiti" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda Mareykanka.
Mareykanka ayaa sidoo kale Kenya ku ammaanay 'la dagallaanka falalka aragagixiso ee ka jira Soomaaliya' iyo ka qebbgalkeeda xasilinta xasradaha Sudan iyo horumarinta nabada bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
"Xoghayuhu waxa uu dib u xaqiijiyay qiyamka dimuquraadiyadeed ee aanu wadaagnay waxaanu soo dhaweeyay iskaashiga dhaqaale ee qotoda dheer ee u dhexeeya Maraykanka iyo Kenya." ayuu raaciyay bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Sidee looga fal-celiyey khudbaddii Zelenskyy ee QM?

Madaxweyneha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa kulankii guud ee Qaramada Midoobay, oo uu hadal ka jeediyey, ku sheegay in taageerada Ukraine iyo cunaqabataynada la saaray Ruushku ay yihiin Axdiga lagu aasaasay Qaramada Midoobay.
Zelenskyy ayaa intaas ku daray in dawladdiisa ay dedaal ugu jirto inay helaan taageerada ugu badan ee caalamka, halka ay doonayaan inay keli ka dhigaan Ruushka.
Weriyaha VOA ee Qaaradda Yurub Cabdixaafid Cawil Ismaaciil ayaa warbixintan ku eegaya khudbadda madaxweynaha Ukraine, iyo sida looga falceliyey.
Erdogan iyo Netanyahu oo markii ugu horreysay kulmay

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa markii ugu horreysay u kulmay si fool-ka-fool ah Talaadadii, xilli labada dal ay billaabeen inay hormariyaan xiriirkooda.
Hogaamiyayaasha, oo wada-hadallo yeeshay intii lagu guda jiray shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa isku raacay in midba midka kale uu dhawaan booqdo dalka kale, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Netanyahu.
Taleefishinka Channel 12 ee Israel ayaa sheegay in Erdogan laga yaabo inuu doonayo inuu sanad-guurada 100-aad ee Jamhuuriyadda Turkey ee bisha dambe ku xuso inuu booqdo Masjidka Al-Aqsa. Weli ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan warbixintan.
Xiriirka labadan dal ee horey xulufada u ahaa ayaa burburay kadib markii ciidamada Israel ay 10 qof oo Turkish ah ku dileen weerar ay ku qaadeen markab gargaar siday oo jebiyey xayiraad lagu soo rogay Gaza.
Ankara ayaa cayrisay safiirka Israel, tallaabaadaas oo ay ka laabatay 2016, hase yeeshee waxay mar kale sidaas sameysay laba sano kadib, sababo la xiriira dilka tobanaan Falastiiniyiin ah oo ka qeyb-galay dibad-bax ka dhacay xuduudda Gaza.
Israel, oo cabasho ka muujisay marti-gelinta Ankara ee hoggaamiyeyaasha Xamas, ayaa ku jawaabtay inay cayrisay safiirka Turkey, 2018.
Booqasho uu bishii March madaxweynaha Israel Isaac Herzog ku tegay Turkey, oo ay ku xigtay booqashooyinka labada wasiir arrimo dibadeed, ayaa caawiyey in xiriirka uu soo hagaago.
Erdogan iyo Netanyahu ayaa ka wada hadlay siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka iyo sidoo kale arrinta Israel iyo Falastiin, sida ay madaxtooyada Turkiga ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barta X.
Erdogan ayaa u sheegay Netanyahu in labada dal ay iska kaashan karaan dhanka tamarta, teknoolajiyadda, hal-abuurka, caqliga macmalka ah, iyo sidoo kale amniga internet-ka, ayey tiri madaxtooyada.
Turkey ayaa sanadkii 2020 billowday dadaal xoog leh, oo ay ku hagaajineyso xiriirka dalal badan oo ay horey u xifaaltami jireen, sida Masar, Imaaraatka Carabta, Sacuudi Carabiya iyo sidoo kale Israel.
REUTERS
Biden oo cambaareeyay afgambiga Afrika, dhiirra-geliyay dimuqraadiyadda

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa Talaadadii khudbad ka hor jeediyay fadhigii siddeed iyo toddobaatanaad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo qiyamka dimoqraadiyadda, isaga oo sidoo kale ka hadlay afgembiyada milatari ee Afrika.
Isagoo khudbad jeedinaya, Biden wuxuu sheegay in Washington "ay qabatay shir madaxeed dimoqraadiyadeed si loo xoojiyo hay'adaha dimoqraadiyadda, ciribtirka musuqmaasuqa, iyo diidmada rabshadaha siyaasadeed," isagoo raaciyay.
"Waqtigan xaadirka ah, dawlado si dimoqraadi ah loo soo doortay ayaa la afgambiyay si isdaba joog ah Galbeedka iyo Bartamaha Afrika."
Waxa uu sheegay in ixtiraamka dimuqraadiyadda ay tahay 'shaqo degdeg ah oo ka muhiimsan tii hore.'
Wareysi: Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo billowday

Magaalada New York waxaa ka socda kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ay ka qaybgalayaan madax kala duwan oo caalamka ah oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ka mid ahaa madaxda maanta ka hadashay kukanka.
Haddaba wararkii ugu dambeeyey ayaa Sahra Cabdi Axmed ay ka waraysatay weriyaha Caasha Ibraahim Aadan oo ku sugan New York.
Kulanka 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo si rasmi ah u furmay

Kulanka 78-aad ee Golaha Guud ee QM ayaa shalay ka furmay magaalada New York ee dalka Maraykanka, wuxuuna socon doona illaa 26-ka bishan.
Haddaba kulanka iyo khudbadaha ay madaxdu jeedin doonto, gaar ahaan ta ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, waxaa warbixintan ka soo dirtay wariyaha VOAda Caasha Ibraahim Aadan (Cuud) oo magaalada New York ku sugan.
Xamza Barre oo ka qeybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka dhoofay Muqdishu isga oo kusii jeeda magaalada New York oo uu kaga qyabgeli doono kulanka guud ee Qramada Midoobay.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Xasan Kaafi Qoyste.
Warbixin ku saabsan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Dagaalka Ukraine wuxuu u badan yahay inuu noqdo mawduuca ugu weyn ee sanadkii labaad oo isku xiga, marka hoggaamiyayaasha caalamka ay isugu yimaadaan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay todobaadka soo socda.
Laakiin dalal badan oo soo koraya ayaa rajeynaya inay iftiimiyaan arrimaha muhiimka u ah iyaga oo ay ka mid yihiin horumarka, sicir bararka iyo isbedelka cimilada.
Weriyaha VOA-da ee Qaramada Midoobay Margaret Besheer ayaa warbixintan inoo soo dirtay, Falastin Ahmed Iman ayaa soo koobeysa.
Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo António Guterres?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada New York ee dalkan Mareykanka kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay António Guterres, waxayna ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo la xiriira Soomaaliya iyo caalamka.
António Guterres ayaa ugu hambalyeeyay madaxweyne Maxamuud doorashadiisa, waxayna intaas kadib ka wadahadeen arrimaha 'mudnaanta u leh' Soomaaliya, sida iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xoojinta hay’adaha dowladda Soomaaliya, xaaladda bini’aadantinimo ee daran, baahida loo qabo in wax laga qabto saameynta isbeddelka cimilada, iyo xaaladda amniga Soomaaliya.
"Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya kaddib kulanka madaxweyne Xasan SHeekh iyo António Guterres.
"Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha" ayuu raaciyay bayaanka Villa Soomaaliya.
Madaxweynah Soomaaliya ayaa maalmahaan ku sugnaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York halkaas oo uu uga qeybgalay shirka 77-aad ee golaha guud, isaga oo khasmiistii ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.
Madaxweyne Xasan oo kulamo kala duwan la qaatay Xoghayaha Guud ee QM iyo Hoggaamiyaha Sudan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyada oo labada masuul ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin xaaladda bini’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, isbedelka cimilada iyo xaaladda amniga.
“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha [Soomaaliya] ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya doorashada ka dib, kuwaas oo ay ka mid yihiin iskaashiga dowladda Federaalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah, xoojinta hay’adaha dowladda ee Soomaaliya, xaaladda bini’aadantinimo ee daran, baahida loo qabo in wax laga qabto saameynta isbeddelka cimilada, iyo xaaladda amniga.” Ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed kula qaatay magaalada New York dhiggiisa dalka Suudaan Cabdifataax Cabdiraxmaan al-Burhan.
Qoraal ka soo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan uu la wadaagay hoggaamiyaha dalka Sudan, dedaalada ay xukuumaddiisu ugu jirto sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya, iyo horumarinta dalka, gaar ahaan halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabku ay wadaan si Soomaaliya looga xoreeyo argagixisada.
“Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Suudaan, garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ay wadaagaan xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo. Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-burhaan ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.” Ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay iska xogwaraysteen xaaladda gobolka iyo caqabadaha jira.
Xasan Sheekh: Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in la joogo xilligii laga adkaan lahaa ururka Al-shabaab, isaga oo sheegay in falalka ay ku kacaan ay yihiin kuwa hagardaamo ah oo ka fog diinta Islaamka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay madasha 77-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaana khudbadii uu xalay ka jeediyay warbixintan kasoo diray wariyaha VOA-da Jacfar Kukay oo ku sugan New York.
Madal