Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Xamse oo la kulmay Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres



Ra'iisal wasaare Xamse oo la kulmay madaxweyne Joe Biden
Ra'iisal wasaare Xamse oo la kulmay madaxweyne Joe Biden

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay madax sarsare oo ay ka mid yihiin, Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, Wasiirka arrimaha debedda ee Imaaraadka Carabta iyo madax kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay madaxweyne Joe Biden sidii dowladda Mareykanku ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena Soomaaliya ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhinacooda ka wada hadlay xoojinta iyo wada-shaqaynta u dhexeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Ra'iisal wasaare Xamse oo la kulmay wasiirka arrimaha debedda ee UAE
Ra'iisal wasaare Xamse oo la kulmay wasiirka arrimaha debedda ee UAE

Sida lagu faahfaahiyey warsaxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya, ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa kala hadlay wasiirka arrimaha debedda ee isu-tagga imaaraadka carabta sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac.

Madal

XS
SM
MD
LG