Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababarihii xulka Talyaaniga Roberto Mancini oo is-casilay


Roberto Mancini ayaa iska casilay xilkii tababaranimo ee xulka qaranka Talyaaniga, sida uu shaaciyay xiriirka kubbada cagta ee dalkaasi maanta oo Axad ah, isagoo soo afjaray shan sano oo uu Talyaanigu guulo qaaradeed soo maray, balse uu seegay koobkii Adduunka ee Qatar.

Mancini ayaa la wareegay hoggaanka xulka heysta afar koob adduun, sannadkii 2018 kadib markii ay ku guuldareysteen inay u soo baxaan tartankii sanadkaas ee Russia, isagoo aan hore u seegin finalka Koobka Adduunka tan iyo 1958dii.

Xulka uu macallinka u ahaa Mancini ayaa 37 ciyaarood oo guuldarro la'aan ah ciyaartay intii u dhaxaysay Oct. 2018 iyo Oct. 2021 -- waana rikoor ciyaaraha caalamiga ah ee ragga.

"Waa Bog muhiim ah oo ka mid ah taariikhda Azzurri, kaasoo soo bilowday May 2018 kuna dhamaaday finalka koobki Nations League ee 2023," ayaa lagu yiri hadal uu soo saaray xiriirka Talyaaniga ee FIGC.

Madal

XS
SM
MD
LG