Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galka Baarista: Khasaaraha soo gaaray ciidamada Midawga Afrika 16-kii sano ee ay joogeen Somalia


El Amine Souef
El Amine Souef

Ergayga gaarka ah ee Miwowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada hawlgalka uga dhintay iyo kuwa uga dhaawacmay muddada ka badan 16-ka sano ee ay joogeen Soomaaliya.

Waraysi uu siiyey barnaamijka Galka Baarista ayuu ku sheegay inay diiwaangeliyeen ilaa 4,000 oo ah askar dhimatay iyo kuwo dhaawacmay.

Waxa uu xaqiijiyey in ugu yaraan 3,500 oo askar ah oo tiradaas ka mid ah lagu dilay Soomaaliya. Souef ayaa sheegay in ciidankan ay Soomaaliya u yimaadeen sabab wanaagsan.

Barnaamijkan ka dhagayso waraysiga aan la yeelanay Souef, iyo weliba waraysiyo kale oo aan la yeelanay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo isna ka hadaya ciidamada dhintay iyo weliba hawlgallada milatari ee soo socda.

Barnaamijka Galka Baarista
please wait

No media source currently available

0:00 0:19:10 0:00
XS
SM
MD
LG