Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaafiic lagu tuuray xaafado ku yaalla magaalada Muqdisho


Muqdisho

Wararka hordhaca ah ee ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa abbaara 2:00 habeenimo wakhtiga Muqdisho in magaalada laga maqlay madaafiic kala duwan kuwaas oo geystey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weriyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa ku soo waramaya in tirada madaafiicda la tuuray inay gaadhayaan illaa toddoba xabbo, kuwaas oo ku dhacay guryo ay deggan yihiin dad shacab ah oo ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. Illaa haatanna ma jirto cid sheegatay masuuliyadda madaafiicdan.

Madaafiicdan la tuuray ayaa ku soo beegmaysa iyada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo bilaabmay saacaddu markay ahayd 10:00-kii habeenimo, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in maanta ooKhamiista ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qayb gelayaan madax sar-sare oo ka imanaysa dalal kala geddisan.

Haddaba halkan ka dhegeyso warbixin ka hadlaysa dhacdadan oo weriyaha VOA Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray

Madaafiic lagu tuuray xaafado
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG