Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM oo ka digtay in Somalia ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacdo macaluul gallaafata boqollaal kun oo qof


Saamaynta Abaaraha
Saamaynta Abaaraha

NEW YORK - Qoraal uu soo saaray Adam Abdelmoula oo ah xidhiidhaya hawlaha bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay inay ka dillaacaan gaajo iyo macaluul baahsan oo gallaafata nolosha boqollaal kun oo qof. Isaga oo sheegay in xaalada abaarta ee Soomaaliya ay ka sii darayso marba marka ka dambeeya.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ee abaarta uga sii daray ay ka mid tahay, iyada oo aanay Soomaaliya si fiican u helin roobabkii la filayey muddo afar xilli ah oo isku xigay, taasoo keentay inay Soomaaliya ka dhacdo abaartii ugu darnayd ee soo marta muddo 40 sano ah. Waxaa sidoo kale walaac badan laga muujinayaa qiimaha cuntada oo Iyana cirka isku shareeray, halka ay xadidan tahay kaalmada bini’aadanimo ee loo fidiyey dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Xidhiidhiyaha hawalaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in qiimaynta ay sameeyeen ay muujinayso in illaa 850,000 oo qof in ay guryahooda ka barakaceen, si ay noloshooda iyo xoolahooda ugu raadsadaan waxay cunaan ama cabbaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in xogaha ay hayaan ay muujinayaan in illaa 8 deegaan oo Soomaaliya ka mid ah, inay abaaruhu si daran u saameeyeen kuwaas oo halis ugu jira inay ka dillaacdo macaluuli, goobahaas ayaa badankoodu waxay ku yaallaan Koonfurta dalka, gaar ahaan gobollada ay ka jiraan xasilooni darrada iyo colaadaha kale oo keenay inay adkaato in gargaarka la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.

Adam Abdelmoula ayaa sheegay in xilliga uu warbaahinta la hadlayey in illaa 7.1 million oo qof oo Soomaali ahi inay abaaruhu saameeyeen, tiradaas oo ku dhow kala badh shacabka Soomaaliya. Halka 213,000 oo ka mid ah ay qarka u saaran yihiin xaalad gaajo iyo macaluuleed, taasoo muujinaysa in tiradaasi 160% ay kor u kacday tan iyo bishii April ee sannadkan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haweenka, caruurta iyo dadka waayeelka ahi inay yihiin kuwa ay abaaruhu sida ugu daran u saameeyeen. Illaa 1.5 milion oo caruur ah oo da’doodu ka hoosayso 5 sano ayaa waajahaya xaalad nafaqo darro.

Warbixinta Qaramada Midoobay waxaa lagu sheegay in tan iyo badhtamihii sannadkii 2021 in xoolo gaadhaya illaa 3 million oo neef inay u dhinteen abaaraha daran ee ka jira Soomaaliya, waxaana taasi ay saamayn xooggan ku yeelanaysaa noloshii dadka reer baadiyaha ahaa, iyo weliba hoos u dhac ku yimaadda waxsoosaarkii hilibka iyo caanaha xoolaha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in duruufaha ka dhashay abaaruhu inay keeneen xaalado caafimaad darro, iyaga oo sheegay in tan iyo bishii January ee sannadkan in la diiwaangeliyey in ka badan 4,880 xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin shuban biyood ama daacuun. Sidoo kale waxaa la soo weriyey illaa 8,700 oo xaaladood oo looga shakisan yahay inay yihiin xanuunka jadeecada.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarku inay caawiyeen illaa 2.8 million oo qof, intii u dhexeysay January illaa April 2022. Qaramada Midoobay ayaa intaas ku dartay inay haatan durbaanka u garaacayaan sidii dunidu u fahmi lahayd xaaladda adag ee abaareed ee ka jirta Soomaalia, iyaga oo ugu baaqay beesha caalamku inay dedejiyaan taageerada ay u fidinayaan dadka abaaruhu saameeyeen.

XS
SM
MD
LG