Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay yihiin caqabadaha horyaalla madaxweynaha berri la dooranayo?


Madaxweynaha ku guuleysta doorashada Axadda beri ah qabsoomeysa ayaa waxaa sugaya caqabado waa weyn oo ay ka mid tahay kacdoonka rabshadaha wata ee Islaamiyiinta, ififaalo macaluul ka dhacda dalka, xasillooni siyaasadeed, iyo dhaqaale xumo.

Amniga:

Madaxweynaha cusub ayaa wajahaya khatar la yaqaan oo hor istaagtay dawladihii tobankii sano ee u danbeeyay, oo ay kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab wadday dagaal dhimasho iyo dhaawacba dhaliyay.

Bishii March, Qaramada Midoobay ayaa waqtiga u cusbooneysiisay 20,000 (labaatan kun) oo askari oo ka socda Midowga Afrika kuwaasi oo ku sugnaa Soomaaliya tan iyo 2007-dii, iyagoo dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ka caawinayay ka hortagga kooxda Al-Shabaab.

Hawlgalkan dib u habeynta lagu sameeyay ee loogu magac daray ATMIS, ayaa ku baaqaya istaraatiijiyad weerar oo ka xooggan kii sanadihii la soo dhaafay, iyadoo ujeedku yahay in si tartiib tartiib ah loo dhimo tirada ciidamada, oo ay dalka ka wada baxaan dhammaadka 2024-ka.

Samira Gaid, oo ah Agaasimaha Machadka Hiraal ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa sheegtay in laga yaabo in madaxweynaha cusub uu ka fikiro in uu dib uga gorgortamo qodobbada heshiiska uu saxiixay Farmaajo “xilli madaxda Soomaaliya aysan si dhab ah diiradda u saareynin arrimaha amniga”.

Dalalka caalamka ee caawiya Soomaaliya ayaa ka digay in khilaafaadka daba dheeraaday ee doorashada uu diiradda ka weeciyay qatarta Al-Shabaab oo isku ballaarisay dhulka miyiga ah, bilihii ugu dambeeyayna kordhisay weerarada.

Cumar Mahmood, oo ah falanqeeye ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah (ICG) ayaa sheegay in madaxweynaha cusub uu sidoo kale ka fiirsan karo xal siyaasadeed oo dheeri ah kaasi oo wax looga qabanayo Islaamiyiinta, oo ay macquul tahay in uu xitaa dejiyo qorshe suurtagal ka dhigaya in wadahadal lala furo.

Waxa uu sheegay in haddii aysan Al-Shabaab diyaar u ahayn ay wali taasi muhiim u tahay in ay u gogol xaarto wadaxaajood.

Abaaraha:

Soomaaliya ayaa unugul cimilada isbadaleysa, iyadoo hadda wajahaysa abaartii ugu darneyd tan iyo 2011-kii.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 6.1 milyan oo qof ay abaartu saameysay, iyadoo 760,000 oo qofna ay guryahooda ka barakeceen.

Hay'adaha gargaarka ayaa ka digay in haddii aan la kordhin kaalmada bani’aadanimo ay Soomaali ka dhici karto macluul aan la arkin tan iyo 2011-kii xilligaasi oo 260,000 (laba boqol iyo lixdan kun) oo qof ay macluul u dhinteen.

Dawladda ayaan hayn awood ay si iskeed ah wax uga qabato abaartan.

Laakiin khubarada ayaa sheegaya in xasillooni siyaasadeed oo ka hirgasha Muqdisho ay sahleyso isku xirka gurmadka iyo in la gudbiyo baaq mideysan oo gargaar loogu raadinayo dadka ay abaartu saameysay.


Xaaladda dhaqaalaha:

Soomaaliya oo ah dal sabool ah, deyn badan lagu leeyahay, islamarkaana aan haysan kaabayaal dhaqaale oo muhiim ah ayaa ku tiirsan dhaqaalaha ay shisheeyuhu siiyaan.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in ku dhawaad afar meelood saddex meel 15 milyan ee qof ee Soomaaliyeed ay ku nool yihiin wax ka yar $1.90 maalintii.

Dib u dhaca doorashada ayaa halis gelinaysa xirmo gargaar oo muhiim ah oo ka timaada Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF, taasi oo si toos ah loo joojin doono 17-ka May haddii maamulka cusub uusan ansixin dib-u-habeyn mug leh.

Dowladda ayaa codsatay in saddex bil oo dheeri ah loogu daro waqtiga kama danbeysta ah, laakin ilaa iyo hadda codsigaasi lagama jawaabin.

Dhaqaalaha ayaa 2019-kii kobcay 2.9 boqolkiiba, waxaana la filayay in uu intaasi ka sii kordhi doono 2020-kii.

Laakin Baanka Adduunka ayaa sheegay in ay cuuryaamiyay cudurka safmarka ah ee COVID-19, ayaxa ku habsaday meelo ka mid ah dalka, iyo daadad xooggan.

Bangiga Horumarinta Africa ayaa saadaalinaya in kobaca dhaqaalaha ee 2022-ka uu noqonayo 3.2 boqolkiiba, tiradaas oo ka hooseysa intii la saadaalinayay ka hor musiibada COVID.

Mahmood ayaa sheegay in horumarinta canshuur ururinta ay sidoo kale dhaqaalaha ka ilaalin karto jahawareer ku dhaca mustaqbalka.

Musuqmaasuqa ayaa sidoo kale ah caqabad jirta iyadoo Soomaaliya ay meel hoose kaga jirto liiska warbixinta musuqa adduunka ee ay soo saarto Transparency International, waxayna gashay dalka 178-aad ee 180-ka dal ee warbixintu qiimeysay.

AFP

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG