Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu danbeeyay ee qarixii Muqdisho


Medical workers carry the body of one of the victims of a suicide car bomb that targeted a convoy in Mogadishu, Somalia, Nov.11, 2021.
Medical workers carry the body of one of the victims of a suicide car bomb that targeted a convoy in Mogadishu, Somalia, Nov.11, 2021.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerar qarax ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdishu kaasi oo ay ku dhinteen 7 qof sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday miino la dhigay waddada dhinaceeda, waxaana ay qaraxday xilli ay wadada marayay baabuur uu la socday sarkaal ka tirsan laamaha amniga dawladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto Maxamed Xaashi Guuleed.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay inuu weerarkaas ku dhaawacmay sarreeye guuto Maxamed Xaashi oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste.

Faahfaahinta qarax ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:57 0:00

XS
SM
MD
LG