Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wasaaradda Amniga oo amartay in Danjire Madeira uusan dalka soo geli karin


Fransisco Madeira
Fransisco Madeira

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa fartay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in ay “kala laabato waraaqaha dal-ku joogga, kuna wargeliso Danjire Francisco Madeira, dib danbena looma siin karo waraaqaha dal ku galka,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.

Warqaddan amarka ah oo uu ku saxiixan yahay wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale lagu faray agaasimaha hay’adda socdaalka in uu ku wargeliyo dhamaan dhinacyada ay quseyso in dalka aan la keeni karin Danjire Madeira, iyadoo loo cuskaday amarkan go’aankii Khamiistii ka soo baxay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha ee lagu sheegay in Danjire Madiera loo aqqoonsaday qof aan laga rabin Soomaaliya.

Sidoo kale, wasaaradda amniga ayaa fartay dhammaan hay’adaha amniga in uusan Danjire Madeira dalka soo geli karin “maadaama uu yahay qof aan laga rabin dalka.”

Dhanka kale, wasiirka amniga ayaa warqaddan ku sheegay in dowladdu ay si kumeel gaar ah u xirtay “dhammaan howlihii terminaalka MOVCOM” ilaa amar danbe.

Go’aankan ka soo baxay wasaaradda amniga ee Soomaaliya ayaa imanaya saacado ka dib markii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat uu qoraal uu soo saaray kaga horyimid go’aankii uu dhowaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka soo saaray “maqaamka” Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira.

Guddoomiyaha ayaa soo dhoweeyay qaraarkii uu Madaxweyne Farmaajo kaga horyimid in dalka laga ceyriyo Danjire Madeira, uuna ku sheegay in uu sii wadayo wadashaqeynta danjiraha.

Mousa Faki ayaa qoraalkiisa ku sheegay in uu kalsooni buuxda ku qabo Danjire Francisco Caetano Madeira.

Halkan ka akhri warqadda wasaaradda amniga Soomaaliya.

Warqadda ka soo baxday wasaaradda Amniga
Warqadda ka soo baxday wasaaradda Amniga

XS
SM
MD
LG