Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midowga Africa oo ka horyimid go'aankii uu Rooble ku eryay Danjire Madeira


African Union Commission Chairperson Moussa Faki Mahamat
African Union Commission Chairperson Moussa Faki Mahamat

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayaa qoraal lagu shaaciyay Twitter-ka rasmiga ah ee Midowga Africa waxa uu walaac kaga muujiyay go’aankii uu dhowaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka soo saaray “maqaamka” Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira.

Qoraalka ayaa dhanka kale lagu soo dhoweeyay tallaabadii uu Madaxweyne Farmaajo ku hor istaagay dalabka Ra’iisulwasaaraha, islamarkaana uu ku sheegay in Danjire Madeira uu sii wato shaqadiisa.

Qoraalka ayaa lagu yiri “gudoomiyuhu waxa uu si mahadnaq leh ku xusayaa warqadda rasmiga ah ee 7-dii April 2022, ka soo baxday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uuna kaga xumaaday soo saarista war-saxaafadeedka aan kor ku xusnay, iyadoo dib loo xaqiijinayo ka go'naanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in ay sii waddo xiriirka wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeya Ambassador Madeira, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (ATMIS).”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in uu dib u xaqiijinayo kalsoonida buuxda ee uu ku qabo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celiyay “sida ay Midowga Africa uga go’an tahay sii wadista in qaranka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku taageerno dadaalkeeda soo celinta nabad, amni iyo xasilooni waarta,” sida lagu yiri warsaxaafadeedka.

Qoraal Khamiistii ka soo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay wakiilka midawga Afrika ee Soomaaliya inuu yahay shakhsi aan dalka laga rabin, waxaana qoraalka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in wakiilka Midowga Afrika uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa, iyada oo Ra'iisal Wasaare Rooble uu ka codsaday ururka Midowga Afrika inay dib ugu yeeraan Ambassador Francisco Madeira.

Hase ahaatee, saacada ka dib go’aanka Rooble, ayaa waxaa warsaxaafadeed soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isaga oo ka horyimid ceyrintii Ra'isul Wasaare Rooble ee Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, waxaana war qoraal ah oo uu soo saaray uu ku sheegay in uusan oggolaan doonin tallaabo ka dhan ah Madeira.

XS
SM
MD
LG