Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo Bilaabeysa in ay Koronto ka Dhaliso Biyo-xireenka Nile


GERD
GERD

Ethiopia ayaa Axadda berri ah bilaabeysa in ay koronto ka dhaliso biyo-xireenkeeda muranka badan dhaliyay ee wabiga Nile-ka Buluuga, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Biyo xidheenkan oo lagu magacaabo Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo noqonaya mashruucii ugu waynaa ee koronto laga dhaliyo ee ku yaalla Africa ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf ka taagnaa gobolka tan iyo markii ay Ethiopia dhaqaajisay dhismaha biya-xireenkan sanadkii 2011-kii.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay AFP Sabtida maanta ah in berri la bilaabi doono in tamar laga dhaliyo biya-xireenka.

Sarkaal labaad ayaa isna xaqiijiyay warkan. Labada sarkaal ayaa hadlay iyagoo diiday in magacooda la adeegsado maadaama guushan aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Waddamada uu u burqado wabiga Nile ee Masar iyo Sudan ayaa u arka biyo-xireenka mid khatar ah, sababtoo ah waxa ay ku tiirsan yihiin biyaha Nile, halka Addis Ababa ay u aragto in mashruucan uu muhiim u yahay tamarteeda iyo horumarkeeda.

Mashruucan oo ku kacaya $4.2-Bilyan ayaa marka uu idlaado la filayaa in uu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatt oo koronto ah, taasi oo labanlaab ka badan wax soo saarka koronto ee Ethiopia.

Ethiopia ayaa markii hore qorsheysay in ay biya-xireenka ka dhaliso qiyaastii 6,500 megawatts laakin markii danbe ayay dhintay yoolkaasi.

“Korontada cusub ee laga dhaliyo GERD waxa ay gacan ka geysan kartaa dib u soo nooleynta dhaqaalaha ku burburay dagaalkii lagu hoobtay, kor u kaca qiimaha shidaalka, iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19,” ayuu yiri Addisu Lashitew oo ka tirsan machadka Brookings Institution ee magaalada Washington.

Biyo-xireenkan ayaa ku yaalla webiga Niilka Buluuga ah ee gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka Ethiopia, waana meel aan ka fogayn xudduudka Sudan.

Buuxinta kaydka baaxadda weyn ee biya-xireenka ayaa bilaabatay sanadkii 2020, iyadoo Ethiopia ay ku dhawaaqday bishii July ee sanadkaasi in ay gaartay hadafkeedii ahaa in ay keydiso 4.9 bilyan mitir kuyuub (cubic meter) oo biya ah.

Wadarta guud ee kaydka biya-xireenkan ayaa ah 74 bilyan oo mitir kuyuub, waxaana hiigsiga 2021-kii uu ahaa in la kaydiyo 13.5 bilyan.

Bishii July ee sanadkii hore ayay Ethiopia sheegtay in ay gaartay halkii ay hiigsaneysay, taasi oo ka dhigan in biya-xireenku uu haysto keyd biyo oo ku filan in la bilaabo dhalinta ama soo saarista tamarta, laakin sheegashadaasi ayaa waxaa shaki geliyay qaar ka mid ah khubarada.

AFP

XS
SM
MD
LG