Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sudan oo diginin culus u dirtay Ethiopia


Wasiirka Kheyraadka Biyaha ee Sudan Yasser Abbas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Ethiopia ay kaligeed u qaaddo inay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka koronta uu si toos halis ugu yahay ammaanka qaranka ee Sudan.

Yasser Abbas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Sudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan dalalka Mareykanka, ururrada Midwoga Yurub iyo Midwga Africa, si meesha looga saaro is-mari waaga wadaxaajoodka ee la xiriira biya xireenka wabiga Nile, ee u dheexaya dalalka Sudan, Masar iyo Ethiopia.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhexeysa Sudan iyo Ethiopia ee la xiriirta muranka dhulbeereedka ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.

Ethiopia ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalahooda, iyadoo Masarna ay horay sheegtay in tallaabadaasi ay qatar weyn ku tahay 90 boqolkiiba biyahaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile, waxayna ku baaqday in marka hore heshiis laga gaaro inta aysan Addis Ababa tallaabo u qaadin arrimkaasi.

XS
SM
MD
LG