Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Egypt Ethiopia iyo Sudan oo ka heshiin waayay khilaafka wabiga Nile


Dowladaha Egypt, Ethiopia iyo Sudan ayaa ku guuldarraystay inay heshiis ku garaan wadahadalladoodii cusbaa ee ay diiradda ku saarayeen xal ka gaarista muranka sanad jirsaday ee ka dhashay biyo xireenka Ethiopia ay ka dhisayso wabiga Blue Nile, sida ay Arbacadii sheegeen mas’uuliyIin ka tirsan sadaxdaasi dal ee wabiga uu maro.

Dhamaadkii bishii October ayay sii ambaqaadeen wadaxaajoodkooda iyagoo ku shiray khadka lisku arko ee Zoom-ka waxyana kaga hadlayeen isla arrinkan ee xal gaarista qulqulatooyinka ee ku aaddan mashruuca biya xireenka.

Madaxaweyne Trump ayaa horey u sheegay in Egypt ay xaq u leedahay inay qarxiso mashruuca biyo xireenka, taas oo Masar ay ku tilmaantay halis jirta, iyadoo hadalkaasi uu ka caysiiyay dowladda Ethiopia.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaasi sadaxda ah oo todobaadkii hore kulmay ayaa guddiyo quburro ah oo ay iska soo saareen u wakiishay inay ka wadaxaajoodaan islamarkaana ay uga heshiiyaan arrimaha ay isku hayaan. Laakiin khailaafkooda ayaa halkiisa kasii socday iyadoo kulankoodaii arbacadnaa uu guuldarro kusoo idlaaday sida uu sheegay Mohammed el-Sebaei oo ah afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Dowladda Ethiopia ayaa hore u sheegtay inaysan joojin doonin dhismaha biyo xiireenka oo khilaafka dhalaiyay iyadoo tilmaantay inaysan dhaqaala ahaan uga maarmin mushruucaasi.

XS
SM
MD
LG